5 katirsanaa ururka Al Shabaab oo Bosaso lagu toogtay [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Waxaa maanta xukun qisaas ah lagu fuliyay xubno katisan ururka Al Shabaab, kuwaasoo lagu helay inay ka dambeeyeen dilal loo gaystay mas’uuliyiin katirsanaa dowladda kuwaasoo lagu dilay magaalada Bosaso sannadkii hore dhammaadkiisa.

Sida uu Radio Garowe u xaqiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shan gobolka oo katirsan maamulkaas, Cabdifataax Xaaji Aadan, ragga ayaan gaaraya Shan qof kuwasoo la xukumay bishii Labaad ee 2017.

Cabdifataax ayaa xusay in xubnahan markii hore ahaayeen 7 qof oo maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ku riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay dil toogasho, balse maxkamadda Racfaanku labo kamid ah ka dhigtay xabsi daa’im.

Wuxuu qiray inay xabsiyada Puntland, ku jiraa xubno kale oo katirsan ururka Al Shabaab, kuwasoo dil ku xukumay oo ay ku jiraan raggii lagusoo qabtay Suuj iyo Garmaal.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay mari doonaan xukunka la marsiiyay raggaas gaaray shanta ee maanta lagu toogtay Bosaso.

Toogashadan ayaa timid xilli ururka Al Shabaab waqtiyo isku xiga magaalada Bosaso ku toogteen, Taliye ku-xigeenkii Saddexaad ee ciidanka Booliiska, Agaasimihii Madaxtooyada iyo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Waa markii ugu horaysay dil toogasho lagu fuliyo xubno katirsan Al Shabaab tan iyo markii uu xilka Qabtay Madaxweyne Gaas iyadoo horay ay u jireen in xubno katirsan mallayshiyaadkaas laga sii daayay xasbiyada Puntland.

Goor sii horaysay Madaxweyne Gaas oo ka hadlayay dilalka ururka Al Shabaab ka gaystaan deegaanada Puntland, ayaa wacad ku maray inay layn doonaan dhammaan inta xabsiyada ku jirtay maadama ay si arxan darro ah u beegsanayaan hal doorka Bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM