7 Carruur ah oo Daadad ku qaateen Nugal iyo Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Roobab laxaad leh oo 24-saac ee lasoo dhaafay  ka da’yay deegaanada Puntland, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo isugu jira, dhimasho iyo bur-bur hantiyeed.

Ilaa 7 carruur ah ayaa ku geeriyooday goobo kala duwan, halka ay jiraan ilaa todobo kale oo la bad-baadiyay.

Carruurtaas ayaa saddex kamid ah waxay ku geeriyoodeen deegaanka Raydable oo hoos taga degmada Burtinle, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Tuurdibi.

Carruurta dhimatay Labo kamid ah waa walaalo, halka kan kale uu la ahaa Ehel, waxaynta da’doodu lagu sheegay; 5, 7 iyo 9 sano jir.

Tuur-dhibi oo la hadlayay Idaacadda Radio Garowe, ayaa sheegay inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo oo Roobabkaas ka dhashay, sida bur-bur soo gaaray waddooyinka.

Wararka kale oo soo gaaraya Warsidaha GO, ayaa sheegay in tuulada Jalam oo kamid ah gobolka Nugal ka go’day Korontadii islamarkaana biyo soo galeen kaydadkii Raashinka, balse aysan jirin khasaaro kale.

 Dhanka kale wararka  aan ka helayno deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in roobabkaas Daadadkii ka dhashay ay la tageen ilaa 4 carruur ah.

Gudoomiyaha Deegaanka Bali-busle ee Gobalka mudug Maxamed Cali Shire oo la hadlay radio Garowe ayaa sheegay in Carruurtaas labo kamid ah la helay meedkoodii  halka labadii kale lala’yahay.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli abaar baahsan aya ka jirtay deegaanada Puntland, balse haatan uu si fiican u hoortay raxmaddii EEBBE.

GAROWEONLINE


Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM