Madaxweynaha DF oo ka hadley mowqifkiisa gobolka Mudug

Image

GAROWE May 1, 2015 (GO)-  Xaflad caawa April 30, 2015 loogu qabtey aqalka madaxtooyada Puntland madaxda ka qayb galeysa shirka wadatashiga Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka, ayaa Madaxweynaha Somalia khudbad uu ka jeediyey wuxuu kaga hadley sida uu  arko gobolka Mudug iyo mowqifkiisa ku aadan kulanka Cadaado.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegey in maamulka Puntland sheegto gobolka Mudug balse wax dhibaato ahi ku jirin in dhinacyo kale sheegtaan gobolkaas.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona khudbadaha madaxda oo dhameystiran saacdaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM