Madaxweynaha DF oo ka hadley mowqifkiisa gobolka Mudug

Image

GAROWE May 1, 2015 (GO)-  Xaflad caawa April 30, 2015 loogu qabtey aqalka madaxtooyada Puntland madaxda ka qayb galeysa shirka wadatashiga Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka, ayaa Madaxweynaha Somalia khudbad uu ka jeediyey wuxuu kaga hadley sida uu  arko gobolka Mudug iyo mowqifkiisa ku aadan kulanka Cadaado.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegey in maamulka Puntland sheegto gobolka Mudug balse wax dhibaato ahi ku jirin in dhinacyo kale sheegtaan gobolkaas.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona khudbadaha madaxda oo dhameystiran saacdaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM