Caasha Aabaheed: Deni wuxuu noo sheegay in la dilayo ragii falka geystay

Image

GAROWE, Puntland - Todobaadkaan madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa qaabilay qoyska ay kasoo jeedo Caasha Ilyaas Aadan, gabadhii kufsiga iyo dilka loogu geystay Gaalkacyo, bishii hore.

Caasha oo ahayd gabar 12-sano jir ahayd, taasoo dhiganeysay Dugsiga Hoose ayaa kiiskeeda waxaa ku socda baaritaan ay wadaan hay’addaha amaanka.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo kulanka reerka dhibanaha ah kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyay in "aan loo narxiisan doonin kuwa falka sameeyay".

Xogo uu warsidaha Garowe Online ka helayo baarayaasha ayaa sheegaysa in labo ruux loosoo qabtay kiiskaan, kuwaasoo lagu tuhmayo in ay ficilka geysteen.

"Labada ruux ee la hayo waa kuwa deriskeena ah," ayuu yiri Ilyaas Xasan, Aabaha dhalatay Marxuumad Caasha, kaasi oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Aabo Ilyaas oo saluugay qaabka baaritaanka loo wado ayaa sheegay in mas'uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland ay warar is-khilaafsan u sheegeen isaga.

"Marka hore waxay nagu dhaheen afar qof baa la hayaa, marka dambe labo qof, kuwa kalena waa lasii daayay," ayuu hadalkiisa kusii daray, isaga oo dalbanaya in cadaalada la marsiiyo.

Ilyaas oo intii uu ku sugnaa Garowe la kulmay sidoo kale ururada u dooda arrimaha haweenka ayaa codsaday in xukunka lagu saleeyo shareecada Islaamka.

"Waxaan dooneynaa in shareecada Islaamka la mariyo…madaxwaynuhuna wuxuu noo sheegay in la tooganayo cidii dambiga lagu helo," ayuu raaciyay.

Ugu dambeyntii, Aabo Ilyaas Xasan ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in gabadhiisa iyo dhibanayaasha kale ee lamidka ah ay helaan cadaalad, isaga oo Soomaalida uga mahad-celiyay gabar istaaga ay muujiyeen.

Maxkamada Puntland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xukuno toogasho ah ku ridday dhalinyaro lagu soo eedeeyay falal kufsi ah oo ka dhacay Gaalkacyo, xili kiiska Caasha iyo go’aanka ay ka qaataan si wayn isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM