Aas Qaran oo Garowe loogu sameeyay Saraakiil saddex ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28, March 2017 ka qayb galay aas qaran oo magaalada Garowe loogu sameeyay sadex sarkaal oo kamid ah ciidamada Puntland oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Libaaxo oo u dhaxeeya degmooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Duugta oo ka dhacday duleedka waqooyi ee magaalada Garowe, waxaa sidoo kale joogay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada PL iyo qaar kamid ah shacabka magaalada.

Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa;

  1. Gaashaanle dhexe Maxamed Siciid Jaamuus la taliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland
  2. Gaashaanle dhexe  Cawed Cabdiraxmaan Guuleed, Taliye xigeenka hogaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland
  3. Iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar labaad tacsi u diray talisyada ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, eheladii qarabadii, asaabtii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, kuwaas oo uu madaxweynu sheegay inay ahaayeen mas'uuliyiin ka gudanayay waajibaadkooda qaran.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland  Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey waxaa u isna dhankiisa u tacsiyaynayaa taliska ciidamada Dawladda, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, wuxuuna illahay uga baryay inuu u naxariisto, denbigoodana dhaafo, samir iyo Iimaana ALLE uu ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qoyasaaskii  ay ka tageen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM