Aas Qaran oo Garowe loogu sameeyay Saraakiil saddex ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28, March 2017 ka qayb galay aas qaran oo magaalada Garowe loogu sameeyay sadex sarkaal oo kamid ah ciidamada Puntland oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Libaaxo oo u dhaxeeya degmooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Duugta oo ka dhacday duleedka waqooyi ee magaalada Garowe, waxaa sidoo kale joogay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada PL iyo qaar kamid ah shacabka magaalada.

Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa;

  1. Gaashaanle dhexe Maxamed Siciid Jaamuus la taliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland
  2. Gaashaanle dhexe  Cawed Cabdiraxmaan Guuleed, Taliye xigeenka hogaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland
  3. Iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar labaad tacsi u diray talisyada ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, eheladii qarabadii, asaabtii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, kuwaas oo uu madaxweynu sheegay inay ahaayeen mas'uuliyiin ka gudanayay waajibaadkooda qaran.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland  Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey waxaa u isna dhankiisa u tacsiyaynayaa taliska ciidamada Dawladda, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, wuxuuna illahay uga baryay inuu u naxariisto, denbigoodana dhaafo, samir iyo Iimaana ALLE uu ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qoyasaaskii  ay ka tageen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM