Abaar iyo xanuuno xoolo ku dhow 3-kun ku dilay Jubaland

Image
Image
Image
Image
Jubaland ayaa laga soo wariyey abaaro saameyn ba'an u geystay dadka iyo duunyadda.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Dowlada Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn, Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed, wasaaradda ayaa waxay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa tibaaxdey in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Juba.

Ugu danbayntii, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM