Abaar laga soo sheegayo deegaanno hoos taga Baargaal [DHEGEYSO]

Image

July 14, 2015 (GO)- Deegaano hoostaga degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa laga soo sheegayaa abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada.

Jawaahir Ow-muuse Maxamed oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Deegaanka Baargaal oo la hadashay Radio Garowe ayaa sheegtay in tuulooyinka Qoroxaad, Conqoro, Nuudiya iyo deegaano kale ay ka jiraan abaaro iyo biyo yaraan saamaysay nolosha dadka.

Jawaahir ayaa xustay in  qiimaha fuusatada biyaha ahi halkaas ka marayo labo boqol oo kun oo Shilinka Soomaaliga , iyadoo intaas raacisay inay jiraan dad aan awood u lahayn inay gataan biyaha qaaliyoobay .

Ugu dambeyntii waxay dawlada ugu baaqday inay gacan u fidiso dadka ay abaartu lasoo deristey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM