Abaaro aafeeyay Puntland xilli ururo ay iibsadeen codad

Image
Hay'adaha dowliga ah ee ku shaqada leh ayaa gabay kaalintooda wax ka qabashada xaaladan.

GAROWE, Puntland – Roobabkii deyrta ahaa oo qarka u saaran in la waayo ayaa waxay khatar galaya kumanaan qof oo noloshooda ku xiran tahay helitaanka xilli roobaadkaan.

Abaartaan baahsan oo saameyn ku yeelatey guud ahaan Soomaaliya iyo inta badan dalalka ku yaal Geeska Afrika ayaa waxaa qaylo dhaan ka soo saarey hay'daha caalamiga.

Degaanada hoos yimaada Puntland ayaa sida aan wada ognahay waxay dib-u-dhac ba'an ku yimid Roobabkii deyrta la wadaagaan guud ahaan Soomaaliya waxayna saameyn gaar ah ku yeesheen dadka reer Miyiga ah ee dagan gobolada Nugaal iyo Mudug.

Gobolada Barri, Sool, Sanaag, Highland iyo Karkaar ayaa bartamihii bilihii September iyo bisha October waxaa ka da'ay Roobab lagu diirsadey kuwaas sababey in dad badan oo reer Miyi ah iyo xoolahoodii u guuraan degaanadaas.

Maamulka Highland ee Puntland ayaa 3 Nov, 2021 wuxuu soo saarey baaq kadib markii wasaaradaha ku shaqadda leh ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan ama ka hadlaan.

"Maamulka gobolka Highland ee Puntland ayaa Hey'adaha caalamiga ah ugu baaqey in ay caawimaad degdeg ah la soo gaadhaan reer guuraa badan oo isugu soo guurey gobollada Highland iyo Sanaag," ayuu yiri.

Abaartan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland lagu eedeeyay in ay dhaqaale ku iibsadeen codadka dadweynaha doorashooyinka horudhaca ah ee qof iyo cod balse uma gurman degaanadii ay natiijooyinka ka heleen ee hadda tabaaleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM