Abaarta ka jirta Puntland oo sii adkaanaysa [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland, ayaa iminka maraysa meeshii ugu sarraysay kadib markii la waayay roobadkii la filayay saddexdii sano ee ugu dambaysay.

Duunyada ayaa u bakhtiyaysa si tarab-tarab ah, waxaana sidoo kale meelaha qaar geeriyooday dad carruur u badan.

Qaar kamid ah dadka reer guuraaga ah, ayaa sheegaya in waqtigan ay wajaheen xaalad aysan arag cid uga sheekaysana aysan jirin.

Hay’adda Samafalka Somaliyeed ee Waqooyiga America taasoo fadhigeedu yahay Canada { Somalia Releif Network of North America}, ayaa dhawaan booqasho ku tagtay qaar kamid ah miyiga gobolka nogaal iyadoo qiimayn ku samaynaysa xaaladda lagu jiro.

Guddoomiyaha hay’addaas, Sheekh Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale), ayaa cadeeyay in dadku ku suganyihiin xaalad adag oo u baahan in gurmad laxaad leh laga sameeyo, wuxuun shaaciyay inay hay’addiisu ay barnamijyo samafal ah ka fulisay Puntland mudadii ay joogtay.

Gaadaale, ayaa xusay in safarkooda miyiga uu isugy jiray, Qiimayn, dhaqaale uruurin iyo codsi ay ugu dirayaan dadka islaamka ah ee dunida ku sugan gaar ahaan Somalia.

Wuxuu tilmaamay in dhawaan culimadada Masaajidda kala hadleen shacabka islamarkaana lagu deeqay  in ku dhow labo boqol oo booyadood.

Dhinaca kale, Samafale Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay, oo muddo 62 maalmood ah safar iyo kaalmo ugu jiray dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal, ayaa sheegay in dhibaatada reer miyiga haysatada aan laga sheekayn karin.

Gurmadyo kala duwan ayaa kasocda gudaha Somalia, balse waxay sheegeen inay yaryihiin doorkii qurba joogta iyagoo ugu baaqay inay dadkaas wax lala soo gaaro oo la caawiyo qoysaska tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM