Abgaal: Ma jiro qodob dastuuri ah oo is-casilaad faraya Deni

Image
Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha uu u taagan yahay "isbedel".

BOOSAASO, Puntland - Ma jiro qodob dastuuri ah madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni faraya in uu is-casilo kahor inta uusan u tartamin jagadda madaxtinimadda Soomaaliya, sidda uu shaaciyey wasiir.

Xasan Shire Abgaal, wasiirka maaliyadda Puntland oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Boosaaso, ayaa ku nuux-nuux-sadey in Deni uu u taagan yahay "isbedel hogaan oo dalku galo".

Sida laga soo xigtey Abgaal, shaqsiyaadka u ololaynaya in uusan isbedel dhanka hogaanka ah uusan ka dhicin waddanka waxay hormuud ka tahay "dhagarta loo maleegayo qaranka".

"Waxaa isku milmay dowlada hadda jirta iyo Al-Shabaab. Waxa loo baahan yahayna waa isbedel; isbedalkaas yaan shaki la gelin, yaan war been ah la idin sheegin," ayuu hoosta ka xariiqay wasiir Abgaal.

Wuxuu raaciyey: "Marka aad maleyso dad dhahaya madaxweynaha [Saciid Cabdullaahi Deni] ha is-casilo waxaad moodaysaa in ay jiraan dad raba in dalka sidaan sii ahaado oo Al-Shabaab ay qabsato".

"Madaxweynaha waa tartamayaa; madaxwaynayaal hore oo Puntland oo tartamay ayaa jira oo goortay heleen is-casilay. Sharci iyo dastuur bay Puntland leedahay oo la dhaafi maayo," ayuu xusay.

Abgaa ayaa kusoo xiray: "Maxay tahay kaliya sababta [Xildhibaanad Aamina] loogu dilay Beledwyane oo siyaasiyiintii kale u dhex-marayaa magaalada, shakiga marka laga yimaado, dayacaad ayaa jira".

Dastuurka Puntland ayaa u fasaxaya madaxweynaha waqtigaas xafiiska jooga in uu u ordi karo tartanka hogaaminta Soomaaliya isaga oo aan faarujin xafiiska uuna kusoo laaban karo hadii uu guuldareysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM