Afar askari oo ku geeriyoodey shil ka dhacay duleedka Garowe

Image

July 17, 2015 (GO)- Afar askari ayaa ku geeriyoodey saddex kalena way ku dhaawacmen shil gaari oo galabta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Tuko-raq iyo magaalada Garowe.

Agaasimaha Isbitaalka Garowe Dr. Cabdisamed Axmed Jaamac ayaa Radio Garowe u sheegay in askarta dhaawca ah xaaladoodu fududahay islamarkaana qaarkood lagu sameyey qalliin.

Gaariga shilka galay wuxuu ahaa nooca ciidamadu adeegsadaan ee Soomaalidu taqaan Cabdi-Bilaha.

Waa shilkii saddexaad ee noocan ah oo muddo bil gudaheed  ah ka dhaca nawaaxiga magaalada Garowe.

June 21, 2015 ayey ahayd markii toban askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Puntland ku geeriyoodeen shil-gaari oo ka dhacay isla deegaanka Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM