Xubno kamid noqonaya guddiga doorashada Puntland oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland - Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa soo bandhigay afarta xubnood ee ay dastuuriyan u leeyihiin in ay soo xulaan si ay uga mid noqdaan Guddiga Doorashooyinka maamulkan.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo Arbacadda maanta ah kasoo baxay xafiiska gudoonka, afarta xubnood oo ay ku jirto hal haweenay ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin;

1. Guuleed Saalax Barre
2. Jaamac Xirsi Faarax
3. Xasfo Salaad Maxamed.
4. Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal (9) xubnood ayaa shan (5) kamida waxaa magacaaba madaxweynaha, halka afarta (4) kelana uu soo xulo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu horey uga dhawaajiyey in dhankiisa ay diyaar ka yihiin xubnaha shanta ah, isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo saari doono.

Kadib marka lasoo wada magacaabo xubnaha ayaa waxaa la horgeyn doonaa baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida oo ay ku howlgeli doonan.

Guddiga cusub ayaa mid kamid ah waajibaadyadda culus ee horyaala waxaa kamid ah in ay Puntland ka hirgeliyaan nidaamka dimoqraadiga oo ay muddo ku taaheyso.

Xubnihii hore oo is-wada casilay ayaa ku guuldareystay hirgelinta nidaamkaasi oo horseedaya doorasho qof iyo cod ah, isla markaana taladda loogu celinayo dadweynaha.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM