Afhayeenka Puntland oo ka hadlay sababta baajisay shirka Muqdishu[Dhagayso]

Image

14 December, 2015(GO)-Afhayeenka Xukuumadda Puntland ayaa cadeeyay inuusan wax shir ah ka socda magalada Muqdishu, kadib isfahamwaa dhexmaray siyaasiyiinta shalay kulanku uga furmay xarunta Somalia.

Cabdullaahi Maxamed Jamaca (Quran Jecel) oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in baaqashada shirka Xamar uu salka ku hayo hishiis la'aan ka dhex jirta madaxda Somalida, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kulamo gooni gooni ah oo dhexmaraya mas'uuliyiinta heer Federal iyo maamul.

Wuxuu tilmaamay in kulankii 13 December ku koobnaa khudbado kaliya, balse la isku afgaran wayay maanta in dib la isugu soo laabto, wuxuuna tilmaamay in arrintani timi kadib markii madasha la keenay qaadashada habka 4.5.

Beesha caalamka ayuu cadeeyay inaysan ku lug lahayn kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Xamar.

Arrintan ayaa timi kadib markii maanta la isugu imaan waayay madal looga doodayay habraaca doorashada sannadka 2016 dalka Somalia ka dhici doonta, waxaana kulankii maanta hareeyay khilaaf ka dhashay  ku noqoshada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM