Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka Puntland oo xilka laga qaadey, sababtu maxay tahay?

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Puntland kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sheegey wareegtada in xill ka qaadista  Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka  kala tashadey Wasiirka dekadaha halka ujeedkeedu yahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha lagula dagaalmayo burcada badaha.

Wareegtada xilka looga qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka ayaa waxaa ku saxiixan  Madaxweyne Gaas oo Puntland ka maqan xilli ku xigeenkiisu sida Dastuurku qabo tahay in talaabdaan lagala tashado islamarkaana ku saxiixnaado qoraalkaan.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa dhinaca kale tmid xilli dhowaan lagu afduubey xeebaha Puntland Markab xamuul ah kasoo Mudane  Cabdiazaq Maxamad Dirir kaga hadlay dhibaatada Kaluumeysiga sharci darada oo ku soo badatey xeebaha Puntland ay keeni karto taasoo sababi karta in dib u soo noqdaan howlaha bucad badeednimada kuwasoo horey loo dhabar gooyey HALKAAN KA DHAGEYSO

Agaasimahii hore ee burcad badeedka Candirizaq Maxamad Dirir( Duceysane) oo xilkaaan ay u magacowdey dowladii hore ee Cabdiraxman Farole ayaa qayb libaax ka qaatey howlihii la dagaalanka kooxihii afduubyada ka gaysan jirey badaha Puntland sanadihii 2010-2012 halka uu dalka Somalia dib ugu soo celiyey dhalinyaro badan oo Somali ah kuwasoo xabsiyadii lagu xakumey ku dhameysanaya gudaha wadanka Somalia. 

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM