Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka Puntland oo xilka laga qaadey, sababtu maxay tahay?

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Puntland kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sheegey wareegtada in xill ka qaadista  Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka  kala tashadey Wasiirka dekadaha halka ujeedkeedu yahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha lagula dagaalmayo burcada badaha.

Wareegtada xilka looga qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka ayaa waxaa ku saxiixan  Madaxweyne Gaas oo Puntland ka maqan xilli ku xigeenkiisu sida Dastuurku qabo tahay in talaabdaan lagala tashado islamarkaana ku saxiixnaado qoraalkaan.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa dhinaca kale tmid xilli dhowaan lagu afduubey xeebaha Puntland Markab xamuul ah kasoo Mudane  Cabdiazaq Maxamad Dirir kaga hadlay dhibaatada Kaluumeysiga sharci darada oo ku soo badatey xeebaha Puntland ay keeni karto taasoo sababi karta in dib u soo noqdaan howlaha bucad badeednimada kuwasoo horey loo dhabar gooyey HALKAAN KA DHAGEYSO

Agaasimahii hore ee burcad badeedka Candirizaq Maxamad Dirir( Duceysane) oo xilkaaan ay u magacowdey dowladii hore ee Cabdiraxman Farole ayaa qayb libaax ka qaatey howlihii la dagaalanka kooxihii afduubyada ka gaysan jirey badaha Puntland sanadihii 2010-2012 halka uu dalka Somalia dib ugu soo celiyey dhalinyaro badan oo Somali ah kuwasoo xabsiyadii lagu xakumey ku dhameysanaya gudaha wadanka Somalia. 

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM