​Agaasimaha Laanta Socdaalka gobolka Bari oo Garowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee gobolka Bari Cabdullaahi Maxamed Axmed ayaa maanta Garowe lagu xiray kadib amar ka soo baxay Madxweyne ku xigeenka Puntland.

Mas'uulka la xiray ayaa degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn uga soo qabgalay kala wareejinta Agaasime cusub oo dhawan loo magacabay xafiiskaas.

"Cabdilaahi dhaga-dheere waxaa nagu amray inaan xirno madaxweyne  ku-xigeenka wax qoraala iyo sababna nooma sheegin,"Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Nugaal oo magacisa ka gaabsaday.

Majirto cid si madax bannaan u faah faahisay xarigga mas'uulkaasi loogu gaystay magaalada Garowe.

Warsidaha Garowe Onlineayaa fahamsan in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ka carooday xilka qaadista lagu sameeyay mas'uulka joogay xafiiska socdaalka ee degmada Buuhoodle, kaasoo la sheegay inay yihiin Jufo hoose.

Booskaas waxa loo dhiibay sida ay saraakiil sare u xaqiijiyeen GO, xubin kale oo jufi hoose yihiin taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland.

Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa Agaasime Cabdullaahi Dhaga-dheere u xilsaartay inuu xafiiska u kala wareejiyo labada mas'uul taasoo keentay in Camay uu ka xumaado.

Dhaga-dheere ayaa la xiray xilli saaka uu kusii jeeday xafiiskiisa magaalada Bosaso.

Arrintan ayaa muujinaysa sida madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ugu lug leeyihiin arrimaha qabaa'ilka iyo shaqooyinka hoose, mana jirto wax waaran maxkameed ah oo loo maray xariggaas iyadoo tani muujinayso in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland is-ticmaalay ku tagri-fal awoodeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM