Agaasimaha Waaxda maamulka Wasarada Qorsheynta Puntland oo la xirey

Image

Dec 24, 2014 [GO]- Ciidamada amaanka gobolka Nugaal ayaa maanta xiray Agaasime Waaxda maamulka ee Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Caduur Aadan Caduur.

Xariga Agaasimaha Waaxda maamulka Wasaradda Qorsheynta ayaa yimid kadib markii uu ka qayb galay  banaanbax ka dhacay bartamaha magaladda Garowe kaasoo ku saabsanaa cabasho la xiriidha mushahar la’aan  yo Imtiixaanaad laga qaadayo shaqalaha dowladda.

Agaasimahan ayaa lagu xiray saldhiga ku yaala Kontroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe ayaa u waramay Radio Garoowe waxaana uu sheegay inuu aad oga xun yahay xariga lagula kacay isgoo mas'uul dawladeed ah xasaanad-na leh.

Caduur ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushahar la’aan iyo maamul xumo Agaasimaha guud ee wasaradda Qorsheynta ku hayo shaqaalaha Wasaarada ilaa laga soo bilaabo magacaabistiisii.

Docda kale waxa uu sheegay inuusan cadaalad ahayn imtixaanka ay qaadayso Jaamacadda Bariga Africa iyadoo markii hore qaab qabiil loo qaybsadey xilalka Agaasimayaasha sidaasoo madaxda sare ee dalkana ku timid.

Mamulka Gobolka iyo laamaha Amniga Nugaal wali kama hadlin xariga loo gaystay Agaasimahan.

Dhinaca kale Wasiirka shaqada shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed  oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu warka mudaharaadka yahay war aan waxba ka  jirin oo danno gaar ah laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay, ayna dhigeen dad shaqaalaha dawlada ka mid ah oo Agaasimayaal hogaaminayaan kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ahaayeen banaanbaxayaal tiro yar.

Dowlada Puntland ayaa magacowdey guddi ka shaqeeya Imtixaan qaadista shaqaalaha Rayidka kuwaasoo madax looga dhigey Maxamad Farax Ciise Gashaan kuwaasoo dadka intiisa badan u arkaan arrin lagu degdegey. Halkan ka dhageyso wareysi Gaashaan la yeeshey RG

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM