Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garowe lagu xirey

Image

May 23, 2015 (GO)- Muddo kooban waxaa maanta saldhigga booliska ee Garowe lagu xirey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland Muno Daahir Dalmar.

Xarigga agaasimaha aya yimid kadib markii khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo Wasiiradda Wasaaradda Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin.

Khilaafkan ayaa soo jiitamayey todobaadyadii u dambeeyey, wuxuuna sii xoogeystey kadib markii Wasiiraddu sheegtay inay xilka ka xayuubisey agaasimaha.

Muno Daahir aya markii lasoo daayey waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada, halkaasoo ay kula kulantey madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cumar Camey.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo  khilaafkaan inuu xaliyo laga sugayey ayaa sababey in curyaamiyo howlihii wasaarada haweenka 

Xarigga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta ciidamada booliska ee Garowe xabsiga dhigeen agaasimihii iyo tifatirihii Radio Daljir Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM