Agaasimeyaal ku biiraya xukuumada Puntland oo la magacaabay

Image
Magacaabidan ayaa ku soo aadaysa ayadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Muqdisho ku maqan yahay

GAROWE, Puntland - Kusimaha madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka dowladda Puntland Ahmed Karaash ayaa Isniinta maanta ah wuxuu magacaabay 18 agaasime.

1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland.

2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

3- Waxaa Samsam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

4- Waxaa Cabdirisaaq Maxamuud Faarax loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee dowladda Puntland.

5- Waxaa Farxiya Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta  ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada ee dowladda Puntland.

6- Waxaa Cabdiwaduud  Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wakaalada Tamarta Dowladda Puntland.

7- Waxaa Cabdulqaadir Siciid Guureeye loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka, Quudinta, iyo Xaaladaha deg-dega ah ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

8-Waxaa Cabdirabi Maxamed Axmed Bootaan loo magaacabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah  dowladda Puntland.

9- Waxaa Liibaan Cismaan Siciid loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Puntland

10- Waxaa Samiiro Cabdulqaadir Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland.

11- Waxaa Axmed Ibraahim Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Tababarada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

12- Waxaa Mukhtaar Cabdi Ibraahim (Fariiq) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

13- Waxaa Bashiir Maxamuud Yuusuf (Dhaashane) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

14- Waxaa Siciid Ismaaciil Weyrax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kobcinta Kartida iyo Xirfadaha ee Machadka Tababarada  Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

15- Waxaa Abuubakar Nuur Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

16- Waxaa Farxiya Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Xogta Biyaha ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

17- Waxaa Maxamed Nuur Nageeye loo magacaabay Agaasimaha Maaraynta Xogta Dhulka ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

18- Waxaa Xaliimo Maxamuud Cali Aadan (Jabhad) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka dowladda Puntland.

Magacaabidan ayaa ku soo aadaysa ayadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Muqdisho ku maqan yahay isla markaana uu u taagan yahay qabashadda xilka madaxweynaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aano laga soo saarey dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland

Qodobadan ayaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 12:02PM

Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 11:46AM