Air Djibouti oo duulimaadyo toos ah ka hirgelineysa Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda Diyaaradaha Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in duulimaadyo toos ah ay ka hirgelineyso Garowe, caasimadda dowlada Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Air Djibouti ayaa lagu sheegay in duulimaadka uu bilaaban doono 22-ka bisha December ee sanadkan 2019-ka.

Duulimaadka ay diyaaradan ku tageyso Garowe ayaa noqon doona laba jeer todobaadkii, sidda ku xusan war-saxaafadeedka.

Air Djibouti ayaa kamid noqoneyso diyaaradaha caalamiga ah ee ka faa'iideysanaya fursadaha ka jira degaanadda maamul goboleedka Puntland.

Ethiopian Airlines, mid kamid ah shirkadda diyaaradaha ugu fiican Afrika, ayaa bishii June, 2019 duulimaadyo ka bilowday Puntland.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland ayaa dhowaan shaacisay in shirkado kale oo caalami ah ay codsiyo u soo gudbiyeen.

Sikastaba ha ahaatee, Air Djibouti iyo Ethiopian Airlines ayaa safka hore kaga jira shirkaddaha caalamiga ah ee ku loolamaya suuqa furan ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM