"Ajaanib ka tirsan Daacish" oo lagu qabtay Puntland

Image
Sidoo kale, saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Amniga Puntland ee (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa soo qabtey toddoba sarkaal oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Cal Miskood ee gobolka Bari sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

PSF ayaa heshey xog ku saabsan in Daacish ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan dhulka xeebaha ku yaala ilaa Xaafuun. Mudadadii hawlgalku socdey ayaa PSF soo qabatey afar kamid ah kooxda Daacish, waxaana lagu qabtey inta u dhaxaysa Tuulooyinka Timirshe iyo Tuulo Ciise.

Sidoo kale saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe. Raggan ayaa dhamaantood u dhashey qawmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay shixnado u qaadi lahaayeen buuraleyda Cal Miskood ee kooxdu ku gabbato.

Qawmiyadda Oromada ayaa muddooyinkii danbe si weyn uga mid noqonaayey Daacishta ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, kadib markii ay hoggaanka ururkaas la wareegeen.

Magacyada xubnaha la qabtey ayaa kala ah: 1- Kabana Nagsa Bulja, 2- Abdalle Tadhase Gafaso, 3- Qasim Suleyman Jibril, 4- Yusuf Tuna Dubey, 5- Yasin Abdow Awal, 6- Anwar Fathi Abagatow, 7- Isaq Kamal Qasim.

Ciidanka PSF ayaa gaarey togga Jaceel ilaa degmada Xaafuun, waxaana hawlagalku ahaa mid lagu baacsanaayey kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka bari ku sugan.

Gobolka Bari ayaa waxaa sanado badan si dhuumaaleysi ah kaga dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ee Al-Shababa iyo Daacish, kuwaasi oo xubno ka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM