Ajaanib Maxkamadda gobolka Nugal la horgeeyay [Dhagayso]

Image
Image
Image

27 Octobar, 2015(GO)-Maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa maanta la horgeeyay ajaanib u dhashay dalka Indunisia, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si sharci daro ah uga Kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Labada nin ee maxkamadda la keenay ayaa laga soo qabtay degmada Eyl ka dib markii uu soo caariyay markab ay la socdeen, waxaana lagu kala magacaabaa, Kabtan Mohli Batiwawa oo 46 sano jir waday markab ka diiwaan gashan dalka Yemen iyo Eng. Casiis Hermans oo 56 sano jir ahaa makaaniga markabkaasi.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugal Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in shakhsiyaadkaasi galeen dambi Qaran, kuna xad gudbeen biyaha Puntland, isla markaana wateen ogolaansho been abuur ah.

Xareed ayaa tilmaamay inay isticmaalayeen shamaago waaweyn, waxaana lagu soo qabtay Kalluun tankiisu gaarayo 2500.

Maxkamadda ayaa kiiska labada nin dib u dhigtay ilaa 10 Novermber, ka dib markii uu Qareenka u doodayay labada nin codsaday in la siiyo labo todobaad oo fasax ah.

Waa markii ugu horaysay oo maxaabiis lagu eedeeyay Kalluumaysi sharci darro ah lagu maxkamadeeyo degmada Garowe.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM