Akhriso Liiska magacyadd Guddiga cusub ee doorashada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Afhayeenka Gollaha Wakiiladda dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayaa magacaabay Guddiga doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka oo la filayo inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo.

Xubnaha kooxda qaban-qaabada coddeynta oo ka kooban 7 xubood ayaa waxaa gduoomiye looga dhigay Xildhibaan Axmed Axmed Saalax, sida ku cad war-saxaafadeed uu Gudoomiye Dhoobo soo-saarey.

Wadar ahaan in ka badan 30 Musharax ayaa utaagan qabashada xilka Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland, kuwaasi oo ay ka yimid yihiin Faarax Cali Shire, Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiin kale.

Madaxwaynaha uu waqtigu ka dhamaaday ee Cabdiwali Gaas oo ku guuldareystay fulinta balanqaadkiisii markii la doortay Shan sano kahor ayaa kamid ah Musharaxiinta, kaasi oo uu damac kaga jiro in dib loo doorto.

Madaxwaynihii hore ee Puntland, ahna Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka mudane Cabdiraxmaan Faroole ayaa si cad ugu sheegay Gaas inaanu ku guuleysan doonin doorashadaan, uuna DPL uga tegayo dhaxal xun.

Magacaabista Guddiga doorashada ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda Jimcadii lagu doortay Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada iyo labadiisa ku xigeen coddeyn lagu tilmaamay tii ugu dimuqraadisaneed taariikhda maamulkaan 20-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM