​Akhriso: Madaxweyne Gaas oo xil u magacaabay General Muxayiid Axmed

Image

GAROWE, Puntland- Digreeto kasoo baxday madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa taliye ku-xigeenkii hore ee Booliiska Puntland loogu magacaabay xil cusub.

Generaalka, ayaa laga dhigay Taliyaha la dagaallanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka  Puntland.

Wareegtada oo soo baxday 06 November, 2016 ayaa lagu sheegay inay jirto baahi loo qabo la dagaallanka Argagixisada gudaha iyadoo sidoo kale madaxweynuhu u xushay sida digreetada ku qoran, Aqoonta iyo kartida uu u leeyahay shaqadaas.

Muxuyaddiin Axmed Muuse, oo xilka Taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland laga qaaday waqtigii uu talada qabtay madaxweyne Gaas, waxaana mudadaas kadib soo baxday dal-daloolo dhinaca amniga ah.

Wuxuu door muhiim ah kasoo qaatay la dagaallanka Argagixisada iyo sugutaanka amniga Puntland, isagoo marar badan ay kasoo gaareen dhaawacyo.

Jananka ayaa horay u cadeeyay inay ka go'antahay la dagaallanka argagixisada iyo difaaca Puntland, wuxuuna kasoo qayb galay isagoo markaas aan jago ka hayn dowladda howlgalkii Al Shabaab lagu jabiyay kadib markii ay ka dageen xeebaha Puntland horaantii sannadkan 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM