Al-Shabaab oo shaacisay in ajnabi uu fuliyey is-qarxintii Janaa Cabdalle

Image
Showkaani oo kasoo jeeda beesha Hutu ayaa waxa uu dhashay sanadka markii uu ahaa 1992-dii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa shaaca ka dhigay in nin ajnabi ah una dhashay Burundi uu fuliyey weerarkii is-miidaaminta ku bilowdey ee ka dhacay degaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baahisay in magaca naftii-haligahan uu yahay Dnayizeye Isxaaq Khaalid isla markaana kooxda looga dhex-yaqinay Showkaani.

Sidda ku xusan warbixinta warbaahinta Al-Shababa, Showkaani oo kasoo jeeda beesha Hutu ayaa waxa uu dhashay sanadka markii uu ahaa 1992-dii, oo ah sanad kahor dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

"Showkaani waxa uu Soomaaliya imaadey todoba sano," ayaa lagu yiri warbaahinta Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay usoo wareegtay baraha bulshadda kadib markii website-kooda ay xirtey dowladda Soomaaliya.

Tobanaan askari ayaa ku naf-weyday weerarkii Janaa Cabdalle oo dhacay 7-dii bishan March, 2023. Jubaland waxay xaqijisay in weerarkaas looga gubay ama looga qaatay gaadiid ciidan wallow ay hoos-u-dhigtey tirada Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM