Al-shabaab oo sheegatey mas'uuliyadda dilka Xildhibaan Siciid Nuur

Image

May 9, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo ahaa mudane ka tiran barlamaanka Putland, kaasoo xalay magaalada Gaalkacayo lagu toogtey xilli uu kasoo baxayey masjidka Abu Hureyra ee ku yaalla xaafadda Israac.

Qoraal kasoo baxay qaybta warbaahinta ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu mas'uul ka yihiin dilka xildhibaankaas oo sida Al-shabaab sheegtay kamid ahaa la taliyeyaasha gaarka ah ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

"mujaahidiinta ayaa ka takhalusay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Puntland waana sii wadi doonnaa beegsiga mas'uuliyiinta ka tirsan Puntland..." sidaas ayaa qoraalka lagu yiri.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan Barlamanka Puntland ee muddo bil gudaheed ah Al-shabaab weerar qorsheysan ku disho. 

Bishii lasoo dhaafey ee April 18-keedii, ayey ahayd markii mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo isna ka tirsanaa barlamaanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM