Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkii saldhigga Baalade

Image

April 18, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa sheegatey mas'uuliyadda weerar xalay fiidkii lagu soo qaadey saldhigga booliiska Baalade ee ku yaal xaafadda New Bosaso.

Mid kamid ah baraha internetka ee taageera Al-shabaab ayaa baahisey in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee buuraleyda Golis.

Ugu yaraan saddex nin oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta iyo qoryaha darran doorriga u dhaca ayaa saldhigga dhowr jiho kasoo weeraray.

Qarax ayuu ku bilowdey weerarku waxaana intaas kaddib xigey rasaas qaddar daqiiqado ah socotey taasoo dhex martey kooxda duullaanka soo qaaddey iyo ciidamada.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo la hadley VOA ayaa sheegay in dhaawac fududi soo gaarey taliyaha saldhigga la weerarey oo lgu magacaabo Siciid Cali Ibraahim.

Taliyuhu wuxuu dhanka kale sheegay in hawlgal ciidamadu isla xalay ka sameeyeen xaafadda New Bosaso lagu soo qabtey dhowr qof oo falkan lala xiriirinayo.

February 3, 2015 Al-shabab ayaa  sidan oo kale weerar qorsheysan ugu soo qaaddey saldhigga booliska Baalade. Hal askari ayaa ku dhaawacmey weerarkaas labo gaarina waa lagu gubey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM