Al-shabab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkii saldhiga Bosaso

Image

February 5, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkii habeen hore lagu soo qaaday saldhigga booliska Baalade ee magaalada magaalada Bosaso.

Af-hayeenka hawlgallada Al-shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa sheegay inay weerarkaas fuliyeen dagaalyahano ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee fariisimaha kuleh buuraleyda Golis.

Af-hayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray in weerarka ay hal askari ku dileen mid kalena ku dhaawaceen, wuxuu sidoo  kale sheegay inay gubeen hal gaari labo kalena waxyeelo xooggan soo gaarsiiyeen.

Dhanka kale taliyaha saldhigga Baalade ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in saldhigga ay soo weerareen ugu yaraan 25 nin oo si xooggan u hubeysnaa. Iska hor imaadkii dhex maray ciidanka iyo kooxdii weerarka soo qaadey wuxuu taliyuhu sheegay in hal askari oo qura ku dhaawacmay.

Weerarkii habeen hore lagu soo qaaday saldhigga boolisa Baalade ayaa ahaa kii labaad ee Al-shabaab si toos ah ugu soo qaado saldhig boolis oo Boosaaso ku yaal. Wrarkii kan ka horreeyey ayaa dhacay bishii November ee sanadkii 2013, markaasoo kooxo ka tirsan Shabaabku sidan oo kale usoo weerareen xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).

Saraakiisha hay'adaha ammaanka Puntland weli wax war ah kama soo saarin ammaanka soo xumaanaya ee magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo oo iyagu ah labada magaalo ee ugu waaweyn Puntland uguna dadka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM