Amar la dul-dhigay guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan beegsi mas'uuliyiin loogu geystay aragtidooda siyaasiga ah aawadeed.

GAROWE, Puntland - Wasiirka arimaha gudaha dowladda Puntland, Cabdi Farax Juxa, ayaa faray guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka "in aan qofna shaqada looga joojin karin aragtidiisa siyaasadeed".

"Hanaanka doorashooyinka goleyaasha degaanka waa dastuuri, dadkuna waxay leeyihiin xuquuq aas-aasi ah oo aan lagu xadgudbi karin," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka wasaaradda.

Qoraalka Juxa ayaa ku soo aadayaa xilli Duqa degmqda Garowe ee ku magacaaban wareegtada Madaxweynaha Puntland uu maalintii shalay u taxaabay xabsiga gudoomiye xaafadeed.

Xiritaanka ayaa yimid kadib markii mas'uulkan uu diiday in uu ka mid noqdo ururka Kaah, oo uu aas-aasay Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo doonaya in uu hirgeliyo "dimuqraadiyad shaqsiyadeysan".

Intaas waxaa wehlisa, shaqalaaha Dowlada Hoose ayaa muddo badan waxaa lagu cadaadinayey in dhamaantood in ay ku biiraan ururka Kaah, iyaga oo kuwa diidey ka eryey shaqada.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa, sidca warar lagu kalsoon yahay sheegayaan, waxa uu diidey inuu ku biiro ururka Kaah, go’aankaas oo la sheegey inuusan faraxad galin Madaxweyne Dani.

Deni ayaa gadaal uga riixaya barnaamijkan halka dhinac ah si uu ugu helo muddo kororsi uu xukunka kusii joogo illaa dhamaadka 2026-ka si uu mar kale isugu soo sharaxo xilka madaxtinimadda dowlada Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JUXA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM