Amar la dul-dhigay guddoonka maxkamadaha Puntland

Image
Amarkan ayaa si gaar ah wuxuu u khuseeyaa bixinta canshuuro marka la gudbinayo dacwaddo.

GAROWE, Puntland - Maxkamada sare ee Dawladda Puntland ayaa guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamadaha Dawladda Puntland ku amartay in ay hubin ku sameeyaan dacwadaha loo keeno in ay Cashuuran yihiin.

Xeerarka Cashuuraha ee dacwadaha ayaa dhigaaya in mawaadinku hadii uu maxkamadaha Dacwad keeno in loo cashuuro galdacwadeedkiisa, Wasaaradda Maaliyaddana ku shubo cashuurta ku waajibtay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay waday daadaalo kor loogu qaadaayo hirgelinta iyo dar-dargelinta cashuuraha kala wareejinta ee ay fududeeyaan Nootaayooyinku.

Qoraalkan ku aadan Maxkamadaha ayaa waxaa soo saaray Siihayaha Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dawladda Puntland Mudane Nuur Ciise Maxamed.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa shalay oo Sabti ahayd waxay dacwad ku soo oogtay ganacsto ka dhaga adaygtay bixinta  cashuuraha iibka.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa tibaaxay in xafiiska xeer-ilaalinta ay soo gaartay meherado ganacsi oo diiday iney qaadaan cashuurta ku waajibtay.

Dacwadan ayaa, sida ku xusan bayaan kasoo baxay wasaaradda uuna arkay Garowe Online, waxaa gudbiyay guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda wallow wali aysan maxkamadda war kasoo saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM