Amiirkii Al-Shabaab ee gabadha u masaafaystay Gaalkacyo

Image
Jilaagan ayaa dhex-taal u ahaa dhagarta ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku naafeeyeen bulshadda Gaalkacyo.

GAALKACYO, Mudug – Al-Shabaab oo dadweynaha ku marin-habaabisa in ay Soomaaliya u dooneyso dowlad Islaami ah ayaa sanadhii lasoo dhaafay waxaa ka soo shaac-baxaya hab-dhaqan burinaya sheegashooyinkooda been abuurka ah.

Dilka dad aan waxba galabsan, gubida guryo ay ku jiraan rayid, uga faa’iideysashadda danyarta dafuurta iyo u adeegsiga dumarka hub ahaan waa ficiladda laga diiwaan-geliyay maleyshiyadda ee hareersan dhawaaqooda bugta ah.

Maxamed Axmed Cali (Cawke) magaciisa afgarashaduna yahay Jeeri ayna bishii June, 2021-kii ay dowladda Puntland xukun dil toogasho ah ku fulisay markii lagu helay in uu ahaa xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa kashifay qiso kale oo cajiib ah.

Jeeri oo lasoo daayay muuqaal laga duubay kahor inta aan la toogan ayaa la sheegay in uu horjooge u ahaa kooxda dilalka qorsheysan iyo qaraxyadda Al-Shabaab uga fulisay magaalada Gaalkacyo intii u dhaxeysay 2006-dii illaa 2021-kii.

Sidda ay sheegeen dacwad-oogayaasha, shabakadda Jeeri oo ka koobneyd illaa afar qeybood kana kala howlgaleysay xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo laguna aaas-aasay dhanka Puntland ayaa dishay in ka badan 100 ruux oo madax ku jirto. 

BAR-BILOWGA NOLOSHIISA

Jilaagan dhex-taalka u ahaa dhagarta ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku naafeeyeen bulshadda Gaalkacyo ayaa degmada Cabdicasiis ee Muqdisho ku dhashay 1984-tii, sidda uu ku sheegay wareysiga uu siiyey warbaahinta Puntland.

Dhaqdhaqaaqi Muqaawabadda ee kasoo ifbaxay gobolka Banaadir ayuu xubin ka noqdey 2006-dii. Nin uu magaciisa ku sheegay Abuu Muscab ayaa tashkiiliyay. Dagaal ka dhacay Muqdisho sanadkii 2006-dii ayuu lugtiisa ku waayay.

"Dagaalkaas kadib waxaan isaga baxay kooxda. Waxaan muddo. la noolaa reerkayga. Markii aan muddo sidaas ku joogay ayaan goostay in aan aado Gaalkacyo," ayuu ku yiri nuqul kamid ah wareysiga uu siiyey barnaamijka AF-MEER.

Kaligii kuma ahayn safarka xarunta gobolka Mudug. Gabar ayuu ka kaxeystay Muqdisho iyadda oo aan reerkeeda ogayn. Masaafo ayuu ka dhawaajiyay in uu kula dhoofay gabadha. Kahor socdaalkiisa wuxuu warqad ka qaadey Abuu Muscab.

KU MILANKA BULSHADDA

"Laba casho kadib waxaan helay nin la ii sheegay in aan ku dagayo Maxamed Xaashi Muumin (Abuu Dhayib). Isagana laba maalin kadib is-arageena wuxuu ii akhriyey warqadda oo ay ku qorneyd in aan xarakada sii balaarino," ayuu ku daray.

Abuu Dhayib ayaa mudadii u dhaxeysay 2007 illaa 2021-kii wuxuu ahaa amiirka Al-Shabaab ee gobolka Mudug, sida uu sheegay Jeeri. "Wuxuu u i dejiyey guri. Lacag $300 ayuu i siiyey. Kala bar guriga ayaa ku hagaajistey, inta kalana waxa uu iigu furay ganacsi yar," ayuu hoosta ka xariiqay.

Ganacsigaas oo ahaa gaari gacan lagu iibinayo agab yar-yar sidda Sigaarka ayuu ujeedadiisu waxay ahayd in uu ku dhex-galo bulshadda una marin-habaabiyo si uu u aas-aaso unugyo dhagar badan oo si dariim la’aan ah wax u disha.

Afar shabakadooda ayuu Jeeri ku guuleystay yagleelidooda. Inta badan xubnaha unugyadan waa dad danyar ah oo daruufta looga faa’iideystay. Talaabadan waxaa xigtey sameynta koox is-qarxinta oo uu horkaacayay Qaasim Al Turaabi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM