Amniga Garowe iyo Bosaso oo laga shiray

Image

Waxaa maanta magalooyinka Garowe iyo Bosaso lagu kala qabtay kulamo looga hadlay amniga degmooyinkaasi sidoo loo xoojin lahaa waxaana la isugu yeeray mas'uuliyiin kala matalaysay xaafadaha magaalooyinkaasi  iyo saraakiisha amniga.

Kulamadaasi ayaa la isaga xog waraystay halka ammaanka magaalooyinkaasi marayaan iyo sidii looga hortagi lahaa falalka kooxaha nabad diidka, waxaana dhinacyadaasi isku baraarujiyeen in si midaysan u shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo shacabka Puntland.

Shirka lagu qabtay magalada Garowe, waxaa qayb ka ahaa waxgaradka dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool kuwaasi oo si cad u sheegay inaysan xiriir la lahayn kooxda Shabaab oo ay ku tilmaameen mallayshiyo aan u tureen dadka iyo dalkaba, waxayna shacabka Puntland ka codsadeen inaan loo arki dadka ururkaasi xiriir wada-shaqayneed la leh.

Maamulka gobolka Nugal iyo kan degmada Garowe, oo la hadlay dadweynaha ayaa xusay inayn muhiimaddu tahay sidii loo adkaysan lahaa ammaanka lagu wada noolyahay, waxayna soo jeediyeen in ciddii aragtay shakhsiyaad laga shakisanyahay kusoo wargaliyaan ciidamada amniga kuwaasi oo heegan sare la galiyay.

Dhinaca kale shirka ka dhacay magalada Bosaso, waxaa kasoo qayb galay taliyaha ciidanka Boliiska Puntland, saraakiisha amniga gobolka Bari iyo shacabka magaladaasi ku dhaqan, waxaana madasha kulanku ka dhacay lagu soo bandhigay Bastoolad iyo agab kale oo lagu qabtay ruux la sheegay inuu xiriir la leeyahya kooxda Shabaab.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dagalladii Puntland la gashay kooxda Shabaab, waxaa xoogaystay xaqiijinta amniga caasumadda, waxaana heegan la galiyay ciidamada ammaanka, waxaana arrintaasi keentay iyo la qab-qabto kooxo lagu tuhmay falal amni darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM