​Amniga Garowe oo laga shiray

Image

GAROW- Kulan maanta isug yimaadeen saraakiishada ciidamada, maamulka caasumadda iyo guddiyada xaafadaha maglada Garowe, ayaa looga hadlay sidii loo adkayn lahaa aammaan magaalo madaxda Puntland.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qaabkii loo xoojin lahaa xasiloonida caasumadda, maadama ay kooxo katirsan Shabaab lagu jabiyay dagaalo ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug, waxaana intii uu socda kulanku la isla soo qaaday sidii shacabka iyo laamaha ammaanku xiriir wadashaqayneed u yeelan lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland Sareeye Guuto Cabdirsaaq Maxamud Yusuf "Afgaduud" oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in cadowgu meel kasta joogo islamarkaana raadinayaan qorshe kasta oo Puntland kusoo gali karaan, wuxuuna xusay in la xoojiyay howlgalka degmooyinka oo dhan si looga hortago weeraro argagixiso.

Afgaduud ayaa xusay inay hadda gacanta ku hayaan dad badan oo siyaabo kala duwan loo qabtay, wuxuuna sheegay in dadkaas iyo cid walba oo laamaha amnigu gacanta ku dhigaan lala tiigsanayo sharciga, isagoo ugu goodiyay shakhsi kasta oo amni darro wada inuusan Puntland nabad kusii joogi doonin.

Dhinaca xafladaasi, waxaa ammaan iyo bogaadin loo jeediyay shacabkii iskood isu xilqaamay ee gurmadka u fidiyay ciidamada difaaca Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM