Amniga iyo horumarka Godob-jiiran oo shir gaar ah laga yeeshay

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulankan waxa uu la qaatay maamulka iyo wax-garadka degmadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa xalay kulan la qaatay maamulka degmada, odayaasha iyo waxgaradka guud ahaan deegaanada hoosyimaadda degmada.

Kulanka oo salka ku hayey is-xog waraysi guud oo la xiriira fursadaha, caqabadaha, Amniga iyo horumarka magaalada ayaa waxaa qaybgalay Islaan Ciise Islaan Maxamed , Xubnaha Goleyaasha Dowladda ee qaybta ka ah weftiga Madaxweynaha ee ku sugan Godobjiiraan, Maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale, Deni oo ku sugan degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliska degmada, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Laamaha Amniga.

Geesta kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigey qaybta qaliinka ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee degmada Godob-jiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM