Aragtida shirka IGAD dadweynaha magaalo madaxda Puntland

Image

GAROWE Jan 10,2015 [GO]- Shacabka magaalada madaxda Puntland ee Garowe oo Radio Garowe ay makarafoonka la dhexqaaday waxay soo dhaweeyeen shirka IGAD uga furmay magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen in shirkaasi uu yahay mid taariikhda u galaya Soomaliya.

Dadweynahaan ayaa sidoo kale sheegay in ay tani muujinayso in Soomaliya ay ka mid noqonayso wadamada amaankooda lagu kalsoonyahay ayna horseedayso hormarka guud ahana wadanka Soomaliya.

Dadka ka dhiibtey fikradaan ayaa xooga saarey in shirkaan lagaga hadlo sidii loo xoojin laha nidaamka Federaalka ah ee Somalia higsaneyso.

Dhageysi wacan aragtida dadweynaha ku nool magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE+RADIO GAROWE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM