Ardaygii ugu sareeyay imtixaanka Puntland oo balanqaad helay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Deni ayaa kafaalo qaadey waxbarashada heerka jaamacadeed ee ardaygii ugu sarreeyey Imtixaanaadka Dugsiyada Puntland, Yacquub Mursal, kaas oo haley natiijo dhan 99.14%.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay daah-furka shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

"Yacquub wuxuu tusaale u yahay nooca ardayda aanu u baahanahay. Waxaan dooneynaa in ardayda ay noqdaan hogaamiyeyaasha dalkan marka ay helaan aqoonta ku filan," ayuu intaas raaciyey.

Deni ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland.

Shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan ayuu bogaadiyey, isaga oo muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland ay guulaha ka gaartay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Ganacsato , Aqoonyahano, Waalidiin, Ardey iyo ururada Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM