Ardaygii ugu sareeyay imtixaanka Puntland oo balanqaad helay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Deni ayaa kafaalo qaadey waxbarashada heerka jaamacadeed ee ardaygii ugu sarreeyey Imtixaanaadka Dugsiyada Puntland, Yacquub Mursal, kaas oo haley natiijo dhan 99.14%.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay daah-furka shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

"Yacquub wuxuu tusaale u yahay nooca ardayda aanu u baahanahay. Waxaan dooneynaa in ardayda ay noqdaan hogaamiyeyaasha dalkan marka ay helaan aqoonta ku filan," ayuu intaas raaciyey.

Deni ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland.

Shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan ayuu bogaadiyey, isaga oo muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland ay guulaha ka gaartay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Ganacsato , Aqoonyahano, Waalidiin, Ardey iyo ururada Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM