Ardeyda Jaamacadda MU qabyteeda Bosaso oo qabtey wacyigelin

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 23, 2015 (GO)- Ardayda Jaamacadda Muqdisho qaybta Bosaso ee wax ka barta kulliyadda Nursing & Health Science ayaa soo bandhigay barnaamij ku Saabsan faya-dhowrka caafimaadka.

Barnaamijkan wacigalinta oo ka dhacay Hoolka Jaamacadda ayey ardeydu kusoo bandhigeen khudbado sharraxaya faya-dhowrka iyo sada ka hortaggu uga muhiimsan yahay daaweynta.

Ardayda ayaa sido kale soo Bandhigay riwaayad ku saabsan ilaalinta caafimaadka taas oo ka turjumaysay in qofka markii uu xanuun dareemo la xiriiro goobaha caafimaadka si uu ula tashado.

Dhanka kale, waxay ku booriyeen dhamaan ka soo qeebgalaysha inay isticmaalaan caagadaha qashinka lagu uruuriyo si loo yareeyo faafidda cudurada.

Uga danbayntii waxaa u soo xirey barnaamijka masuliyiinta Jaamcadda qayb ka mid ah kuwaaso kala ah madaxa waaxda diiwaan galinta iyo arimaha ardayda Mohamed Abdulkadir Mohmed iyo madaxa Academy-ga Mostafe Sheekh Bashiir Mohmed, labada mas'uul ayaa uga mahdceliyay ardayda barnaaamijka wanaagsan ee ay soo bandhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM