Askar lagu haysto Xabsi Garowe iyo baaq loo diray Baarlamanka Puntland [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Labo askari oo kamid ah ciidamada ilaalada xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa waxay maxaabiis gadoodsan ku haystaa gudaha xabsigaasi, sidda warsidaha GO ay u sheegeen illo wareedyo xog ogaal ah.

Saraakiil ciidan ayaa xaqiijiyay inay socdaan howlgallo ujeedkoodu yahay sidii loosoo furan lahaa askartaasi, iyada oo ay illaa iyo haatan guuldareysteen dhowr isku-day oo ay qaadeen xoogaga dowlada.

Ciidamada oo ku hareeraysan guud ahaan xabsiga ayaa waxay iska dhowrayaan in howlgalkooda uu ka dhasho khasaaro nafeed, iyaga oo raba inay si nabdoon kusoo furtaan askarta, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Xabsiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland ayaa lagu maal-geliyay lacago deeq ah oo ay bixisay Midowga Yurub, iyadda oo mashruuca lagu dhisay ay gacanta ku haysay Qaramada Midoobay.

Inta badan jeelkaan ayaa waxaa lagu xiraa xubnaha lagu soo eedeeyay gal-dacwadeedyadda la xiriira Burcad Badeednimadda iyo xubnaha ka tirsan ururka Al Shabaab ee cilaaqaada la leh Al-Qaacida.

Dhacdaan ayaa kusoo aadaysa iyadda oo Puntland ay ku guda jirto udiyaar-garowga doorashada madaxwaynaha oo lagu bedalamay inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo 2019 oo ku beegan Talaadda soo aadan.

Dhinaca kale, Saraakiil hore oo ka tirsanaa Ciidanka Puntland ayaa ka hadlay xaalada ka jirta Puntland. Ciidaman waxay baaq u direen Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ugu baaqeen in ay ka foojignadaan laaluushka ayna ka fakaraan masiirka Puntland ee mustaqbalka fog iyo kan dhow.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM