Askari ka tirsan booliska Puntland oo lagu toogtay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Dabley ayaa aroornimadii Khamiista maanta ah waxay dil ka geystay magaaladda Boosaaso ee caasimadda gobolka Bari.

Goobjoogeyaal ayaa kusoo waramay in toogashadda ay ka dhacday aaga lagu magacaabo Baxayo oo ka tirsan xarunta ganacsiga Puntland.

Laamaha amniga ayaa xaqiijiyey in ruuxa la beegsaday uu ka tirsan yahay ciidamada bileyska gaar ahaan kuwa ilaaladda waddooyinka.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Xaaji Yuusuf, sidda laga soo xigtay warbixin horudhac ah oo kasoo baxday Taliska Booliska.

"Gacan ku dhiigleyaasha ayaa baxsaday falka kadib. Hay'addaha ammaanka way ku raadjoogaan," ayuu yiri sarkaal sarre oo GO u waramay.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda dhacdadaas, balse magaaladda waxaa falal liddi ku ah nabad-gelyadda ka geysta Al-Shabaab iyo Daacish.

Bartamihii todobaadkan ayay ahayd markii maxkamad ku taala Boosaaso ay xukuno ku riday askar lagu eedeeyay fal-dambiyeedyo kala duwan.

Kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Bari, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa dilay 4 Daacish ka tirsanaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM