Askari u shaqeynayey dowlada Hoose ee Boosaaso oo la toogtey

Image

BOOSAASO- Sarkaal ka howl galayay Dowladda hoose ee Bosaso ayaa saaka lagu dhex toogtay Suuqa magaaladda xili uu ku jiray ururinta cashuurta maalin-laha ah.

Ciidamada amniga ayaa goobta tagey iyadoo baaritaano ka bilaabeen halkii dilku ka dhacey.

Qofkii dilka fuliyey ayaa goobta ka baxsadey sida aalaaba dhacda iyadoo kooxaahaan dilalka noocaan fuliya aan la qaban inta badan.

Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa ka fuliya dilalka la beegsanayo saraakisha iyo dadka waxgaradka magaalooyinka Puntland gaar ahaan magalada Boosaaso iyo Galkacayo.

Kooxhaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ku soo rogey lacago ganacsatada iyadoo talaabadan ka tarjumeyso sida ay u diidan yihiin in maamulka ka jira magaalada ka qaado canshuurta dadka dagan xarunta ganacsiga Puntland.

Amaanka Puntland ayaa aad u xumaadey tan iyo markii uu xilka la wareegey Madaxweyne Gaas kadib markii hoos u dhac ku yimid hay’adaha amniga kuwasoo ay la soo gudboonaatey lacag la’aan sababtey iney qaban waayaan adeegii ay shacabka u hayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM