Axmad Karaash oo ka hadley dagaalka Taleex [Dhageyso]

Image

GAROWE, 21 April,2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal ku dhexmaray magaalada Taleex labo Beelood oo walaalo ah.

Karaash oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa ku baaqey in dagaalkaas si deg deg ah lagu joojiyo.

Dagaalka dhexmarey labada beelood oo walaalaha ah "Samakaab Cali iyo Farax Cali" ayaa wararka ka imaanaya magaalada Taleex sheegayaan iney ku dhinteen tiro dad ah oo gaareysa shan qof halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale.

Dhanka kale Karaash ayaa sheegay in odayaal dhaqameed u baxeen degmadaaas balse ilaa iyo hadda aysan jirin mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo degmadaas 

Magaalada Taleex oo ku taal gobolka Sool ayaa waxaan ku sugneyn ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo Somaliland taasoo sababtey ineysan ka jirin laamaha amniga suga gabi ahaanba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM