​Axmed Jowle oo sagootiyay dhalinyarada katimid Australia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Mulkiilaha Garoonka macmalka ah ee Classic Axmed Jowle, oo ku yaalla magaalada Garowe, ayaa xalay kulan sagootin ah oo casho iyo cayaar isugu jirta u sameeyay dhalinyarada katimid waddanka Australia ee baryahan ku sugnaa caasumadda Puntland.

Jowle, ayaa ugu horayn casho sharaf garoonka ugu sameeyay dhalinyarada iyadoo ay weheliyaan macallinka kooxdaasi, guddoomiyahooda iyo xubno kasocday wasaaradda Cayaaraha iyo dhalinyarada Puntland.

Casho kadib, ayaa cayaar xiiso badan waxay dhexmartay kooxdan ku cayaaraysay magaca Melbourne iyo koox kasocotay Classic, waxaana guushu raacday teamka Axmed Jowle.

60-dan daqiiqo oo Banooni adag dhexmarayay labada kooxood, ayaa markii uu soo dhammaaday, waxaa la guda galay munaasabad looga hadlayay ujeedka kulankan.

Mulkiilaha garoonka Classic, Axmed Jowle ayaa sheegay in xafladdan usoo qaban qaabiyay sidii dhalinyaradu isu dhexgali lahayd islamarkaana u ogaan lahaayeen farqiga u dhaxeeyay noloshooda qurbaha iyo tan waddanka taal.

Wuxuu intaas ku daray inay garab taagnaayeen waqti kasta mudadii ay joogeen magaalada, isagoo intaas ku daray in barnaamijkan horseedi karo in dhalinyaro kale ka timaaddo caalamka.

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta xiriirka kubadda kolayga ayaa madasha hambalyo uga diray qaban-qaabiyaha xafladda iyagoo xusay inuu yahay shakhsi hormariyay cayaaraha Puntland, hormuudna u noqday in Garowe noqoto meel dhalinyaradu xiiseeyaan dhinaca Cayaaraha.

Xuseen oo kamid ah Jaaliyadda Puntland ee Australia iyo macallinka kooxda Melbourne Xuseen Cali, ayaa qiray in soo dhaweyn wanaagsan ka heleen magaalada Garowe, waxayna ballanqaadeen inay dadaal u gali doonaan sidii loo hormarin lahaa cayaaraha Puntland marka ay ku noqdaan waddankii ay ka yimaadeen.

Agaasimaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Axmed Cabdalla Tigaana iyo Guddoomiyaha Qurba joogta Puntland, Cumar Shire, ayaa xafladda ka sheegay inay ku faraxsanyihiin dhalinyarada isa soo abaabulay ee dalkooda u yimid inay la cayaaraan dhalinyaradooda islamarkaana ogaadaan amniga waddanka yaalla, waxayna ku tilmaameen geesiyaal waddo u jeexay kuwo badan oo ku haminyay inay dalka soo aadan.

Xafladdan ayaa lagusoo beegay xilli dhalinyaradan u safrayaan saaka dhinaca maamulka Somaliland, halkaasoo ay muddoo ku sugnaan doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM