Axmed Karaash oo balanqaad u sameeyay ciidamada ku sugan Af Urur

Image
Image
Image

AF URUR, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degaanka Af-urur ayaa kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka hawlgala deegaankaasi.

Kormeerka kadib Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wafdigiisu waxa ay kulan muhiima la qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee dalkooda iyo dadkoodaba ka difaaca Argagixisada tamarta yar ee ku dhuumaalaysata buuraleyda Calmadaw.

Kusimaha Madaxweynaha oo lahadlay ciidanka ayaa u jeediyey ammaan iyo bogaadin ku aadan 10-kii sano ee u danbeeyey ee ay dalkooda iyo dadkoodaba ka horjoogeen cadawga marin habaabsan ee Al-shabaab iyo kuwa la halmaama ee ay dhibto nabadda, horumarka iyo wadajirka dowladda iyo shacabka Puntland ay gaareen.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Karaash xusay in Puntland ay ku leddo ciidamadooda geesiyaasha ah ee aan wax-jixinjix ah u gelin cadawga wax-magaratada ah.

''Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010-kii oo aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno, Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo difaacaya dalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waxaanu u nimad sidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto, waadna ku amaanantihiin''.

Tuulada Af Urur oo 60 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaalada Boosaaso ayaa waxay tahay marin muhiim u ah isu socodka gobolka Bari, waana degaan kheyraad badan ku jiro.

''Waxaan balanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waa wada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aad yeelataan'' Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland".

Hadalka dhiirogelinta ah Karaash ku tartarsiiyey ciidamada waxa uu imaanayaa iyadda oo dhowaan ay dib u qabsadeen degaankan oo ay si kooban ula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM