Axmed Madoobe iyo Fartaag oo Garowe yimi [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

29 November, 2015(GO)-Waxaa galinkii dambe maanta soo gaaray magalada Garowe wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam (Madoobe) oo ka kooban ku-xigeenkiisa Gen: Fartaag, xubno wasiirro iyo Xildhibaano isugu jira.

Ujeedka wafdigan ayaa ku qotonta colaadda ka taagan magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo dhawaan dirir ku dhexmartay maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo isku maandhaafay dhismaha waddo ku taalla xaafadda Garsoor ee magalada Galkacyo.

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, Gudoomiyaha Barlamanka, wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa wafdigan ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Garowe.

Soo dhaweyn kadib labada mas'uul ayaa warbaahinta kula hadlay xarunta looga arrimiyo Puntland, waxayna ka hadleen colaadda Galkacyo iyo waxa xalku ku jiro.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dadaallada ay wadaan maamulka Jubbaland ee lagu dhex-dhexaadinayo, isagoo sidoo kale arrinta Galkacyo ku eedeeyay dowladda Federaalka Somalia oo uu sheegay inay ciidamadeedu ka dagaallameen xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay u gudbi doonaan magalada Galkacyo, ayaa sheegay inay u soo kaceen sidii loo hakin lahaa dhiig mar kale daata, wuxuuna sheegay inaysan xilligaan munaasib ahayn waxyaabaha dhaca, isagoo ku booriyay labada dhinac in maslaxadda laga shaqeeyo.

Wafdiga Garowe yimi iyo mas'uuliyiinta Puntland ayaa caawa kulan ku qaadan doona xarrunta Madaxtooyada Puntland, waxayna ka wada hadli doonaan arrinta magalada Galkacyo iyo qaabkii xalka loo wajihi lahaa.

Arrintan ayaa timi xilli magalada Galkacyo ku suganyihiin mas'uuliyiin kamid yihiin Ra'isal wasaaraha dowladda Somalia iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM