Axmed Madoobe iyo Fartaag oo Garowe yimi [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

29 November, 2015(GO)-Waxaa galinkii dambe maanta soo gaaray magalada Garowe wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam (Madoobe) oo ka kooban ku-xigeenkiisa Gen: Fartaag, xubno wasiirro iyo Xildhibaano isugu jira.

Ujeedka wafdigan ayaa ku qotonta colaadda ka taagan magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo dhawaan dirir ku dhexmartay maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo isku maandhaafay dhismaha waddo ku taalla xaafadda Garsoor ee magalada Galkacyo.

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, Gudoomiyaha Barlamanka, wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa wafdigan ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Garowe.

Soo dhaweyn kadib labada mas'uul ayaa warbaahinta kula hadlay xarunta looga arrimiyo Puntland, waxayna ka hadleen colaadda Galkacyo iyo waxa xalku ku jiro.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dadaallada ay wadaan maamulka Jubbaland ee lagu dhex-dhexaadinayo, isagoo sidoo kale arrinta Galkacyo ku eedeeyay dowladda Federaalka Somalia oo uu sheegay inay ciidamadeedu ka dagaallameen xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay u gudbi doonaan magalada Galkacyo, ayaa sheegay inay u soo kaceen sidii loo hakin lahaa dhiig mar kale daata, wuxuuna sheegay inaysan xilligaan munaasib ahayn waxyaabaha dhaca, isagoo ku booriyay labada dhinac in maslaxadda laga shaqeeyo.

Wafdiga Garowe yimi iyo mas'uuliyiinta Puntland ayaa caawa kulan ku qaadan doona xarrunta Madaxtooyada Puntland, waxayna ka wada hadli doonaan arrinta magalada Galkacyo iyo qaabkii xalka loo wajihi lahaa.

Arrintan ayaa timi xilli magalada Galkacyo ku suganyihiin mas'uuliyiin kamid yihiin Ra'isal wasaaraha dowladda Somalia iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM