​Baabuur lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Saddex Gaari, ayaa maanta lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka Puntland, kuwaas oo loogu talo galay inay ka shaqeeyaan gobolka Kar-kaar.

Baabuurtan oo ay wareejisay hay'adda Save the Children ayaa loogu talo galay in wax looga qabto xaaladda caafimaad ee deegaanadaas.

Gawaaridan ayaa mid kamid ah waxa uu yahay kuwa gar-gaarka deg dega ah ee caafimaadka ee loo yaqaano (Ambulance).

Xaflad kooban oo lagula kala wareegayay Baabuurtan ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Garowe, waxaana kasoo qayb galay madaxda wasaaradda iyo kuwa hay'adda Save the Children.

Madaxa hay'adda Save Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sharaxaad ka bixiyay baabuurtan, wuxuuna tilmaamay inay qayb ka yihiin Barnaamij ay wadaan oo lagu magacaabo (Change), isagoo intaas ku daray in horay wasaaradda ugu wareejiyeen 6 gaari, kuwaanna loogu talo galay in loogu adeego dadka abaartu saamaysay ee ku sugan gobolkaas.

Xaange, ayaa ballan qaaday in hay'addu diyaar u tahay inay la shaqayso wasaaradda gaar ahaan xilligaan oo lagu jiro abaar baahsan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayaa ballan qaaday in baabuurtan sida ugu wanaagsan loogu adeegi doono shacabka isagoo ka mahad-celiyay wada-shaqaynta tooska ah ee Save la leedahay wasaaradda.

Cuuke, ayaa intaas ku daray in baabuurtan loo adeegsan doono islamarkaan lagu qaban doono shaqada ugu soo horaysa oo ah in kooxo caafimaad loo diro meelaha dadku u hayaameen ee gobolka Karkaar.

Mashruucan oo ay isla wadaan wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay'adda Save ayaa soo socday muddo Lix sano ah, waxaana qayb kamid ah bilaabatay sannadkii hore 2016 isagoo ku eg 2019, waxaana maalgalinaya hay'ad laga leeyahay Ingiriiska oo lagu magacaabo DFID taasoo ka shaqaysa arrimaha samafalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM