Baaq loo diray dowladda Puntland

Image

GAROWE- Waxaa wali ka taagan deegaanka Dharkayn-geeyo gobolka Sool, khilaaf xooggan oo u dhaxeeya beelo halkaasi ku dhaqan oo dhawaan dagaal kharaar dhexmaray, iyagoo iska dilay ku dhawaad soddon ruux.

Baaqyo kala duwan ayaa loo diray, kuwaas oo ka yimi dhinaca Somaliland, waxgarad iyo culimaa'udiin gobolka Sool kasoo jeeda.

Balse, majirto waxa war ah oo dhinaca Puntland kasoo baxay, waxaana dadka deegaanka ugu baaqeen inay arrinta soo faragashato islamarkaana qaadato doorkeeda ku aadan sidii dhibaatadaasi loo soo afmeeri lahaa.

Shiikh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah culimadda Dharkayn-geenyo ayaa Radio Garowe u sheegay in dagaalkaasi dad badani ku dhinteen isla markasna loo baahan yahay in si wanaagsan loogu howl galo, isagoo intaasi raaciyay inay sugayaan doorka Puntland ee colaaddaasi ku aadan.

Xaaladda ayaa u muuqatay mid daggan ilaa maanta, balse waxaa jira cabsi xooggan iyadoo labada dhinacba hubaysanyihiin waloow ay jiraan ciidamo yar oo kasocda maamulka Somaliland kuwaas oo kusugan deegaanka Dharkayn geenyo.

Shacab aad u badan ayaa goobtaasi isaga qaxay iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu saamayso.

Maaha markii ugu horraysay ee ay dagaallamaan labadaas beelood, balse colaadooda ayaa soo noq-noqotay, waxayna tani kusoo beegantay xilli loo fadhiyay kala qaadashada dayo ay kala qabeen labada beelood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM