Baaq loo diray dowladda Puntland

Image

GAROWE- Waxaa wali ka taagan deegaanka Dharkayn-geeyo gobolka Sool, khilaaf xooggan oo u dhaxeeya beelo halkaasi ku dhaqan oo dhawaan dagaal kharaar dhexmaray, iyagoo iska dilay ku dhawaad soddon ruux.

Baaqyo kala duwan ayaa loo diray, kuwaas oo ka yimi dhinaca Somaliland, waxgarad iyo culimaa'udiin gobolka Sool kasoo jeeda.

Balse, majirto waxa war ah oo dhinaca Puntland kasoo baxay, waxaana dadka deegaanka ugu baaqeen inay arrinta soo faragashato islamarkaana qaadato doorkeeda ku aadan sidii dhibaatadaasi loo soo afmeeri lahaa.

Shiikh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah culimadda Dharkayn-geenyo ayaa Radio Garowe u sheegay in dagaalkaasi dad badani ku dhinteen isla markasna loo baahan yahay in si wanaagsan loogu howl galo, isagoo intaasi raaciyay inay sugayaan doorka Puntland ee colaaddaasi ku aadan.

Xaaladda ayaa u muuqatay mid daggan ilaa maanta, balse waxaa jira cabsi xooggan iyadoo labada dhinacba hubaysanyihiin waloow ay jiraan ciidamo yar oo kasocda maamulka Somaliland kuwaas oo kusugan deegaanka Dharkayn geenyo.

Shacab aad u badan ayaa goobtaasi isaga qaxay iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu saamayso.

Maaha markii ugu horraysay ee ay dagaallamaan labadaas beelood, balse colaadooda ayaa soo noq-noqotay, waxayna tani kusoo beegantay xilli loo fadhiyay kala qaadashada dayo ay kala qabeen labada beelood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM