Baaq loo diray shirkadaha doonaya shidaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Shirkadaha quudareynaya shatiga shidaalka Soomaaliya waa in aysan ku gadsoomin habraaca ay waddo xukuumada waqtigu ka dhaca, sida ay cod dheer ugu baaqdey dowladda Puntland.

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha maamulkan xaruntiisu tahay Garowe ayaa sheegtay in heshiis kasta oo shirkaduhu la galaan dowladda waqtiga ka dhaceysan marnaba aqoonsan doonin.

Sida ku xusan bayaan kasoo abxay wasaaradda kaasoo uu arkay Garowe Online, Puntland ayaan sidoo kale waxa aysan aqoonsaneyn Hay’adda maamulka Shidaalka Soomaaliya.

"Dowladda Puntland kama mid aha mana aqoonsana Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority”, sidoo kale Puntland ma aqoonsana heshiisyada iyo shaqada xaruntaasi (SPA)," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya maadaama uu wakhtiga uga eekaa 8, February 2021, hadda oo ay xil gaarsiin uun yihiin awood uma lahaa in ay heshiisyo caalami ah galaan.

"Puntland waxay u soo jeedinaysaa Shirkadaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada Hydrocarbon-ka in ay sugaan inta dalku doorashada ka baxayo, oo ay dowladd cusub imanayso, waayo iyada awood u leh oo laga raba in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka si heshiis lagu wadayahay," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Dhawaqa Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay waqti aysan cayimin u qabatay bilowga bixinta ruqsadaha shidaal baarista ka gedaal markii xilligii loo balamay ay qabsoomi wayday.

Hoos ka akhriso bayaanka Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM