Baaq loo diray shirkadaha doonaya shidaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Shirkadaha quudareynaya shatiga shidaalka Soomaaliya waa in aysan ku gadsoomin habraaca ay waddo xukuumada waqtigu ka dhaca, sida ay cod dheer ugu baaqdey dowladda Puntland.

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha maamulkan xaruntiisu tahay Garowe ayaa sheegtay in heshiis kasta oo shirkaduhu la galaan dowladda waqtiga ka dhaceysan marnaba aqoonsan doonin.

Sida ku xusan bayaan kasoo abxay wasaaradda kaasoo uu arkay Garowe Online, Puntland ayaan sidoo kale waxa aysan aqoonsaneyn Hay’adda maamulka Shidaalka Soomaaliya.

"Dowladda Puntland kama mid aha mana aqoonsana Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority”, sidoo kale Puntland ma aqoonsana heshiisyada iyo shaqada xaruntaasi (SPA)," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya maadaama uu wakhtiga uga eekaa 8, February 2021, hadda oo ay xil gaarsiin uun yihiin awood uma lahaa in ay heshiisyo caalami ah galaan.

"Puntland waxay u soo jeedinaysaa Shirkadaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada Hydrocarbon-ka in ay sugaan inta dalku doorashada ka baxayo, oo ay dowladd cusub imanayso, waayo iyada awood u leh oo laga raba in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka si heshiis lagu wadayahay," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Dhawaqa Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay waqti aysan cayimin u qabatay bilowga bixinta ruqsadaha shidaal baarista ka gedaal markii xilligii loo balamay ay qabsoomi wayday.

Hoos ka akhriso bayaanka Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM