Baaritaano ka bilowday magaalada Gaalkacyo kadib dilka Xildhibaan

Image

GAALKACYO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dil xalay waqoyga Gaalkacyo oo ay ka arimiso Puntland loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Degaanka magaaladaas.

Mukhtaar Axmed Cumar oo loo garan ogyahay Tinle waxaa lagu waramay in la beegsaday xili uu fadhiyey mehrad ku dhow xeradii hore ee Darwiish oo ku taala xaafada Is-raac.

Laba ruux oo ku hubeysan bastoolad ayaa la sheegay in ay geysteen toogashadda. Tinle wuxuu sidoo kale ahaa ganacsado, sidda ay sheegeen qoyskiisa.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku darey in dableydu ay goobta ka tageen marxuumka oo dhaawac ah, balse nasiib darro uu geeriyooday markii la geeyay Isbitaalka.

Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa xaqiijiyey in gacan ku dhiigleyaasha ay dhaawaceen askari ka hor-yimid xili baxsad ahaayeen.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish faraca Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ayaa la tilmaamay in howlgalo ay saaka ka bilaabeen xaafadaha ku dhow aaga ay wax ka dhaceen, iyagoo doonaya in ay soo qabtaan kooxihii toogashada geystay.

Dilkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyada Gaalkacyo, oo ah magaalo ay dhinaca waqooyi ka taliso dowlada Puntland, halka koonfur uu ka jiro maamul hoostaga Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM