Baarlamaanka dowladda Puntland oo meelmariyey xeer cusub

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta qodob-qodob uga dooday xeerka illaalinta Af-Soomaaliga, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 34 Mudane, diidmo ma jirin, aamus 3 Mudane.

Xeerka ayaa lagu ansixiyey wax ka bedelka Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka oo lagu-daray wax-ka-bedelka Golaha.

Ujeeddooyinka xeerka ayaa ah Badbaadinta iyo horumarinta Afka hooyo oo ah furaha aqoonta iyo horumarka.

Sidoo kalena, waxa uu si faah-faahsan uga hadlayaa Dhiiri-gelinta iyo gacan-siinta dadaallada dhinacyada ku hawlan badbaadinta, horumarinta afka, nooleynta, kaydinta sooyaalka, hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.

Xeerka ayaa waxaa soo gudbiyey Golaha Xukumadda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM