Baarlamaanka oo walaac ka muujiyay ammaanka PL [ Dhageyso]

Image

May 9, 2015 (GO)- Xildhibaan Cabdicasiis Siciid Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda uu madaxwaynaha ka yahay Cabdiwali Cali Gaas ugu baaqay inay is-badal ku samayso xaaladda ammaan.

Xildhibaan Gacameey ayaa sheegay inuusan jeclayn Shacabka Puntland inay ku noolaadaan welwel sidaasi darteedna loo baahan yahay is-badal muuqda oo dhanka ammaanka lagu sameeyo.

''Xukuamdda uu hormuudka u yahay Prof.Cabdiwali Gaas, Amniga Puntland maanta waa loo jeedaa, waxaan ku boorinayaa una sheegayaa in xaaladda Amniga wax laga qabto oo wax laga badalo, siday hadda wax ku socdaan ma filayo in lagu daawan karo, ma jecli dadka Puntland inay cabsi ku noolaadaan''.

Inkastoo uusan faah faahin halka ay wax ka qaldan yihiin, haddana hadalka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xilli magalada Gaalkacyo wax yar ka dib sallaadii Markib ee xalay lagu dilay Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur.

Ururka Al-Shabab ayaa weeraro kala duwan ka gaystay bilihii lasoo dhaafay magalada Bosaso, kuwaasoo lala beegsaday mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo baro kantarool oo ciidamada boolisku gaadiidka ku baaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM