Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Ku noqoshada Miisaaniyadda 2024

Image
Odoroska ku noqoshada Miisaaniyadda aya dhan Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 51 Mudane ayaa looga dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee lixda Bilood ee Luulyo- Diseembar 2024, taas oo warbixin la xiriirta Golaha la wadaageen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka oo akhriskii labaad ku sameynayey.

Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib, Golaha ayaa ansixiyey Ku noqoshada Miisaaniyadda 2024 ee Bilaha Luuliyo--Diseembar 2024.

Odoroska ku noqoshada Miisaaniyadda ee lixda bilood ee soo socota sannadka 2024 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay 207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar.

Guntanka fadhiga oo ahaa (51) Mudane, waxaa Ansixinta Miisaaniyadda dawladda ugu codeeyey Oggol (47) Mudane, Diimdo (2) Mudane, halka ay ka Aamuseen (2) Mudane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM